Welcom to truesomali website

Cali Dhuux


Guba
Gabaygan Guba waxaa tiriyey Gabayaagii Caanka ahaa “Ilaahay naxariista jano ha siiyee Cali dhuux Adam,
waxaanu ka mid ahaa silsiladii gabayadii dheeraa ee Guba.Gabaygan waxaa uu kula hadlayey Qamaan Bulxan
oo uu dareensiinayey, inay moodka ka maqan raadsadaan, isagoo Qamaan ku eedeyey Cali Dhuux Inuu wixii
ku dhacay oo dhan ay iyagu u bilaabeen, Cali oo gabeygii bilaabayana .

Wuxuu yidhi:

Dhankaan ka hadlay waa kaa Qamaan dhaafay hadalkiiye
Dhexirka hayska gooyaan lahaa dhuuga loo xiraye
Haddii dhaxal adoogaa la cuno waad dhadhamisaaye
Waxan cunaha ii dhaafin iyo dhaarshilbaa jirae
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diideyne
Dhedigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada’e
Haddaanay dhiilka caana ah lahayn laguma dhateene
Wax ka dhigan gobtii dhawrsateen ceeb ka diidhiyine
Dhirfalbuu Isaaq marin intuu dhaco ogaadeene
Karuur dhuumay dhaydana ka jecel oo ay dhamaayaane
Dhoobada Hargeysiyo Berbera waa dhito u taale
Dharka kama macaashaan hadday dhuunta jarayaane
Waa Dhega la’ yahay reer Subeer dhoohan weligiiye
Dhibta gaadha waa moog yihiin iyo dhaliishoode
Anuunbaa Dhalaalinahayee dhiiran mahayaane
Intan dhalasho waa yaab qabtaa dhabugu soo ooyey
Dhaladuu wax iga saaray culus dhebelna ii raacye
Dhudhunna waaba ii sheegtayoo dhiilannay geliye
Dhawaqayga kuma faarixine waa ka dhiidhiyaye
Waayeelka dhaylada sitee dhawrta ku ilaasha
kuwaa Dhabada soo xiranayeen dhuuni kale haysan
Oo dhararka jeexjeexan qaba waa la dhalateene
Dhafoorkaa ma yesheen har galay dhogor xumantase
Dhoobada intay raranayaan dhaayin laga keenay
Dharka lagu qasaasha intay dhebel u daadshaana
Ragbaa caanahaa dhami jirteen dhiil u qoorsadaye
Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhaxtaalkiise
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhugsiin jiraye
Maansada dheh uun lama yadhee waygu soo dhacaye
Dhudaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay
Dhinacayga maan saari karo dhuxulo naareede
Goormaan ragbaa kaa dhergaye dhidibka kuu qaday
Dhaawacu ninkuu ku cusub yahay dhiiga farahiisu
Oo shalayto kaa dhaansadaa dhoorre kula yaalle
Waakaa xeryaa looga dhigay dhogor idiinleeye
Dhaqaalaynna mayside naftaad kala dharroocdeene
Libintiinnu maantay dhawdahay kuma dhaqaaqdaane
Car ku dhaca haddaad dhalad tahood dhuubka boqor hayso
Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhaxtaalkiise
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhugsiin jiraye
Maansada dheh uun lama yahdee waygu soo dhacaye
Dhudaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay
Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo dhimay warkisiiye
Bal dhexmariya reer Webi inuu dhaamo Ba Xawaadle
Cabdulla Aadankii dhaadan jirey dhabu ogeysiiye
Uga dhoofsha dhidib Muuse Khalaf oo dhabta u saara
Cawlyahankan dhaantaynayiyo Dhugadna gaadhsiiya
Isaxaaqa dhoobtisi haray dhebedda loo diidye
Nimankii ku dhabannaanin jirey dhuub ka oogsade’e
Dhirbaaxoyinkii soo ceshiyo dhabar jabkiinniiye
Waataa hablaha Ciise Dhamal dhiraha laayeene
Kacoo dhidibka rida waa intood dhimanba weydaane
Dhanbaal lalama yaaciyo waraaq sida dhabiileede
Oo dhagaxan qaad iyo adeeg gaaladaa dhihiye
Raacdadu hadday kaa dhab tahay dhebi dagaalkeedu
Adoo dhididsanbaa loo ridaa dhamac rasaaseede
Raggaan dhiriyey waakaa dhacsaday dhudiyo Heemaale
Qammaan dhugo dhankaagaa tolkaa looga soo dhacaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *