Kismaayo

wel come somalidutch media

Kismaayo: Al-Shabaab oo ku hanjabtay
iney weerari doonaan dalka Kenya

Kismaayo 20/11/2008:Kooxaha Maamula magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/Hoose ayaa ku hanjabay in ay weerari doonaan

dalka Kenya hadii ciidamo ka socda dalkaasi ay ku soo biiraan ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, gaar

ahaan magaalada Muqdisho.Cabdi Qani Sheekh Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiye Kuxigeenka maamulka magaalada Kismaayo ka taliya

oo shir Jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in hadii Dowladda Kenya ay qaadan waydo baaqa ka soo baxay kooxaha maamula

Kismaayo ay la mid noqon doonaan kuwa Muqdisho ku sugan lana dagaalami doonaan Dowladda Kenya hadii ay u soo dirto

Soomaaliya.C/qani Sheekh Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay ka dhega adeegaan Dowladda Kenya baaqa ay ka soo

saareen ciidamada imaan doona Soomaaliya ay gudaha dalka Kenya geli doonaan maliishiyooyinkooda isla markaana dhibaatooyin

xoogan ay ku soo kordhin doonaan Kenya.Hanjabaadan ayaa timid kadib markii Urur Goboleedka IGAD shirkii ay ku yeesheen Addis

Ababa laga soo saaray in Hal Batalyan oo ka tirsan ciidamada Kenya ay ku biiri doonaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka

howlgala magaalada Muqdisho.Wax war ah kama aysan soo bixin Dowladda Kenya, waxaana horay ay Dowladda Kenya u xoojisay

amaanka xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

somalidutch

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *